Xildhibaanada Masar Baaarlamaanka dhexgalay

Morsi Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweynaha cusub ee Masar Maxamed Morsi oo fagaaraha Taxriir ku qabanaya hadalkiisii ugu horeeyay.

Ciidamadii ilaalinayay dhismaha baralamaanka Masar ayaa ka tagay goobta taasoo u suurtagalisayinay xildhibaanada dhismaha galaan. afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanada ay kulmi doonaan beri.

Masuuuliyiinta milatariga iyo cadaalada ee Masar ayaa qabanaya shir deg deg ah, ka dib markii madaxweynaha cusub ee Masar Maxamed Morsi uu amray in baarlamaanka uu shaqadiisa dib u bilaabo.

Maxkamada dastuurka oo bishii hore kala dirtay baarlamaanka ayaa ka tashanaysa siday uga jawaabi lahayd talaabada uu madaxweyne Morsi qaaday.