Amisom oo weerartay saldhig Alshabaab

Ciidamada Midowga Afrika Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidamada Midowga Afrika

Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay inay qaadeen weerar ay ku qabsanayaan xarun muhiim ah oo ay ku tababartaan kooxda islaamiyiinta ee alShabaab.

Ciidamada AMISOM waxa ay sheegeen in weerarka oo bilowday saaka uu ku wajahan yahay inay qabsadaan Laanta Buuro oo 40 Km dhinaca galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.

Dadka indha indheeya xaaladda Soomaaliya ayaa sheegaya in haddii laga qabsado xeradaasi oo alShabaab ay u isticmaali jirtay inay ka soo diyaariso weerarada ka dhanka ah dowladda iyo AMISOM ay taasi ku noqoneyso dhabar jab weyn.

Al-Shabaab ayaa laga saaray magaalada caasimadda ee Muqdisho, waxaana alShabaab ay lumisay dhul weyn oo bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ku yaal dhawrkii bilood ee ugu danbeeyay.