Shaqaale lagu afduubay Galkacyo

Somalia Lahaanshaha sawirka Other
Image caption Somalia

Saddex qof oo u dhashay dalka Kenya, oo ka tirsanaa shaqaalaha gargaarka oo shalay gelinkii dambe laga qafaashay meel u dhow magaalada Galkacyo ayaa la sheegayaa in haatan loo tallaabiyay dhinaca degaanka Hobyo ee maamulka Galmudug.

Hase ahaatee maamulka Puntland ayaa dhiniciisa sheegaya in ciidamadiisu ay ku dabajiraan dablaydii afduubka gaysatay meel kastana uu uga dabatagayo.

Dadka afduubay ayaa lagu soo waramayaa inay yihiin burcad oo magaalada u isticmaala saldhig ahaan.