Dad badan oo Nigeria ku dhintay

Baabuurka shidaalka siday Lahaanshaha sawirka na
Image caption Baabuurka shidaalka siday

In kabadan boqol qof ayaa dhintay Nigeria tobonaan kalena waa ay dhaawacmeen, kadib markii baabuur shidaalka qaada uu ku gadoomay koonfur bari Nigeriya.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in markii uu gadoomay baabuurka inay dadka ay isku dayeen inay shidaal ka shubtaan baabuurka, laakiin dab ayaa ka kacay goobta oo dad badan ay ku dhinteen.

Wariyah BBCda ee gobolka Delta ayaa sheegay in soddon iyo shan qof loo qaaday isbitaalka, iyadoo dadka dhintay isku meel lagu duugi doono.