Booliska Sacuudiga oo nin toogtey

calanka Sacuudiga

Mas’uuliyiinta dalka Sacuudiga waxa ay ay sheegeen in booliisku ay toogasho ku dileen, nin ay yiraaheen waxaa uu weerarey, saldhig ay booliiisku leeyihiin oo ku yaala, Gobolka Bariga ee Qatif oo ay horay mudaaharaadyo uga dhaceen..

Wasaarada Arrimaha Gudaha waxaa ay sheegtay in ninkaas la diley uu ka mid ahaa 4 nin oo madaxa soo duubtay oo dhug-dhugley ku ordaya oo bamka gacanta ku tuuray saldhigaas booliiska.

Shabakad ku dhow dadka cabashada sameeya, waxaa ay ninka dhintay ku sheegtay magiciisa, Abdullah Jafar al-Ajami oo 18 jir ahaa.

Degaanka Qatif waxaa dega dadka Shiicada ah, dadka cabanayaana waxaa ay doonayaan in ay helaan Xoriyad dheeraad ah.