Al Bashir iyo Salva Kiir oo kulmey

Sudan presidents talks Lahaanshaha sawirka af

Kulanka ayaa dhacay iyadoo uu dhanka kale ka socdo kulan madaxeedka Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Koonfuurta Sudan waxay ka go'dey Sudan sannadkii la soo dhaafey, laakiin xiriirka labada dal u dhexeeya aad buu u xun yahay.

Muddo shan bilood ah ayay dhexdhexaadiyeyaasha isku dayayeen inay kulansiiyaan Madaxweyne Cumar Al Bashiir iyo Salva Kiir Mayardit.

Laakiin isku daygaasi xalay ayuu hirgaley markii labada hoggaamiye ay kulmeen. Waxaa lagu soo waramayaa in kulankooda uu saacad qaatey.

Raadiyaha dalka Sudan ayaa sheegy in markii uu kulanka dhamaadey ay labada hoggaamiye rajo ka mujiyeen in xiriirka labada dal la hagaajiyo.

Bishii April waxaa jirey dagaalo si toos ah uga dhacay xadka labada dal ee lagu muransan yahay.

Koonfuurta Sudan waxay muddo kooban qabsatey goob shidaal oo lagu muransan yahay, kaas oo ah qeyb laf dhabarka dhaqaalaha dalka Sudan.

Hase yeeshee labada dal waxay ku sigteen inuu dagaal buuxa dhexmaro. Goor dambe ayaa saraakiil darajadooda hooseyso waxay dib ugu soo laabteen miiska wadahadalka, markii Qaramada Midoobey ay ku hanjabtey inay cunaqabateyn ku soo rogeyso.

Arrimaha xasaasiga ee labada dal u dhexeeya waxaa ka mid ah in la abuuro goob milateriga ka caaggan, halka saxda ee uu maro xadka labada dal iyo shidaalka.

Khubarada arrimaha labadan dal u dhuun daloola waxay aaminsan yihiin in labada madaxweyne oo arinta soo dhex galaa ay wax weyn ka tari karto in xal loo helo dhibaatooyinka taagan.

Sudan iyo Koonfuurta Sudan waxaa haysta dhibaato daran oo dhaqaale iyo mid nabadgelyo intaba, xiriirkooda oo liitana waxaa uu xaaladda ka dhigayaa mid aad u cakiran.