Dagaal ka socda Dimishiq

Dadka ololeeya Syria ayaa sheegay inuu jiro dagaal magaalo madaxda Dimishiq maanta.Waxay sheegeen in iska hor imaadyo uu ka jiro waqooyiga iyo waqooyi bari magaalada, kadib markii dagaalka uu ka bilaabmay koonfurta Axadii.

Ugu yaraan toban qof ayaa la aaminsan yahay inay ku dhinteen.

Dowlada ayaa sheegtay inay la dagaalamayaan waxa ay ugu yeereen kooxo argagixiso ah.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Kofi Annnan ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin maanta, iyadoo Ruushka uu wali ka soo horjeedo in cunaqabatayn lagu soo rogo dowladda Syria dagaalka ay kula jirto dadkeeda awgeed.