Bekir Bozdag oo Muqdisho booqanaya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Raiisul Wasaare ku xigeenka Turkey, Bekir Bozday iyo Raiisul Wasaaraha Somaaliya Cabdiweli Maxamed Cali

Raiisul Wasaare ku xigeenka waddanka Turkiga, Bekir Bozdag iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Muqdisho.

Wafdiga Raiisul Wasaaraha Turkey, waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dowladda Turkiga oo ka wadda Soomaaliya mashruucyo dib loogu dhisayo dalka ayaa waxa ay kulamo la qaateen madaxda dowladda Soomaaliya, oo uu ugu horreeyo Madaxweyn Shiikh Shariif, oo kula kulmay xarunta madaxtooyada.

Bekir Bozdag oo ay wafdigiisa ku wehliyaan madax hey'addo samafal, ayaa waxa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho uu ku sameeyay dhagax dhig dhisme cusub oo ah xarun saadaasha hawada oo ay dowladda Turkey ka sameyneyso garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.