Qaxootiga Soomaaliya oo dhaafay 1 milyan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaxooti Soomaali ah

In ka badan hal milyan oo qof ayaa ka qaxay dagaalka Soomaaliya oo galay dalalka deriska ah sida ay sheegtay hey'adda qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.

UNHCR waxa ay sheegtay in ammaan darrida iyo cunto yaraanta inay weli sababaha ugu waaweyn ay u tahay qaxa Soomaaliya.

Dagaalada Afghanistan iyo Ciraaq oo kaliya ayaa dad badan ay guryahoodii ka carareen tobankii sano ee ugu danbeeyay.

Soomaaliya waxa uu dagaalku ka socday oo isla markaana dowlad xooggan la'aan ay ahayd 21 sano markaasi oo la riday dowladdii dhexe.

UNHCR waxay sheegtay in 30 kun qaxooti Soomaali ah in laga diiwaan geliyay Geeska Afrika, gaar ahaan Kenya, Ethiopia iyo weliba Yemen lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan.

Hey'addu waxay sheegtay in tani ay yar tahay laakiin weli uu socdo qaxa dadka, sababtuna ay tahay abaarta Soomaaliya.