Assad seeddigiis oo la dilay

Telefishinka Qaranka ee Suuriya, ayaa sheegay in Assef Shawkat, oo ahaa Madaxweyne Assad seeddigiis, in lagu dilay weerar isqarxin ah oo ka dhacay Xarunta Hey'adda Qaranka aa Sirdoonka.

Wuxuu ahaa nin aad awood ugu leh hawlaha ammaanka iyo sirdoonka ee Suuriya.

Wasiirka Difaaca, Daoud Rajiha, iyo General Hassan Turkmani ayaa iyagana ku dhintay.

Weerarka waxaa lala beegsaday shir ay lahaayeen Wasiirro iyo saraakiil sare oo ammaanka qaabbilsan.

Agagaarka dhismahaas oo ku yaalla degmada Rawda, waa la xiray.

Weerarku wuxuu ku soo beegmay iyada oo dagaallku ku sii faafayo caasimadda Suuriya, Dimishiq.