Dagaal ka socda Dimishiq

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Saddexdan masuul waxaa shalay lagu dilay qaraxii ka dhacay magaalada Dimishiq

Dagaal ayaa weli ka socda caasimadda Suuriya ee Dimishiq, ka dib markii shalay bam lagu dilay Madaxweyne Assad seeddigiis iyo Wasiirkii Difaaca.

Dowladda iyo mucaaradkuba waxay sheegayaan in dad badan shalay lagu dilay dagaalka.

Mucaaradku waxay sheegayanayaan in madaafiic iyo dayaaradaha qummaatiga u kaca ay dowladdu adeegsatay, waxayna ku tilmaameen in hubkaasi geystay duqeyntii ugu darnayd ee ilaa iyo hadda soo marta Dimishiq.

Mucaaradku waxaa kale oo ay sheegayaan in aas ka dhacayay xaafadda Sayeda Zeinab isagana la duqeeyay halkaasna ugu yaraan lix ruux ay ku dhimatay.

Wararka qaar waxay sheegayaan in dabbaabbado ay ku sii socdaan caasimadda.