Hub laga ijaarto badda

Maraakiib Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidamada badda ee caalamiga oo ilaalinaya markab

Kooxda Qaramada Midoobay ee kormeerta Soomaaliya, ayaa sheegtay in markab hub oo bada dhex socada la sameeyay si hub ay uga kiraystaan shirkadaha ilaalinaya burcad baddeeda.

Warbixin Qaramada Midoobay oo aan wali soo bixin, ayaa sheegtay in maraakiibta ka shaqaysa badda caalamiga ay ka ijaaraan hub ilaalada maraakiibta si ay ula dagaalaan burcada. waxaa loo malaynayaa in toddobo kun oo hub iyo rasaas la kiraynayo.

Warbixinta waxay sheegtay in hadaan si fiican loo maamulin inay qatar u keeni karaan ammaanka iyo nabada gobolka halkii ay ka hortagi lahayd burcadda.