Dhimashada shilka Zanzibar oo sare u kacdey

Zanzibar Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ehellada dadkii ku dhintey doni ku quustey Zanzibar oo u safan in ay aqoonsadaan maydadka la helay

Waxaa sii yaraanaysa rajada ah in lasoo badbaadiyo in ka badan 80 qof oo ilaa iminka la la’yahay kadib markii ay dooni ku degtey meel u dhaw jaziirada Zanzibaar ee wadanka Tanzania.

Ugu yaraan 70 qof ayaa la ogyahay inay ku dhinteen musiibadan iyadoo 150 qofna lasoo badbaadiyey.

Doonta MV Skagit ayaa maalintii arbacadii degtay iyadoo ay saarnaayeen in ka badan laba boqol iyo konton rakaab ah.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya tiro kala duwan oo ku aadan rakaabkii saarnaa doonta, balse ilaa iyo iminka waxaa laga soo bixiyay biyaha maydadka in ka badan 60 qof iyadoo 150 qofna ay ku guulaysteen inay soo dabaashaan.

Qaar ka mid ah ehelada meydadkii la helay ayaa waxay aqoonsadeen meydadka qaraabadooda.

Howlgalo baadi gooba oo loogu gurmanayo dadkii ay doonta la degtay ayaa weli soconaya, hase ahaatee, waxaa dhibaato ku noqatay hawada oo xun.

Madaxweynaha Tanzania Jakaya Kikwete ayaa wuxuu sheegay in uu ka xunyahay musiibada dhacday halkaasi

Badda u dhaxeeya Dares Salem iyo Zanzibaar oo ah wado aad u mashquul ah, ayaa wuxuu caan ku tahey dalxiisayaasha reer Tanzania iyo kuwa ajaanabiga ah.

Bishii September ee sanadii hore ugu yaraan laba boqol oo qof ayaa geeriyoodey kadib markii doon la buux dhaafiyey oo siday 800 oo qof ay ku degtey Jaziradda Zanzibar.