Mareykanka oo kaalmo milateri siinaya Kenya

Diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Mareykanka Lahaanshaha sawirka AFP

Mareykanka ayaa sheegey inuu Kenya siinayo siddeed diyaaradood ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ka caawin doona dalalka Bariga Africa dagaalka lagula jiro kooxda Islaamiyiinta Somalia ee Al Shabab.

Wargeyka Wall Street ee ka soo baxa Mareykanka, oo soo xiganaya wasaaradda difaaca ee Mareykanka. Pentagon, waxaa uu qorey in Kenya ay ka mid tahay dalal ku yaala Bariga Afrika oo kaalmo milateri oo lagula dagaalamayo kooxaha Islaamiyiinta ka heli doona Mareykanka.

Dalalka lagu xusey warbixinta ee kaalmadaasi milateri ka faaideysan doona waxaa ka mid ah Burundi, Djibouti iyo Uganda

Waxaa diyaaradahan drones-ka ay xitaa qeyb ka qaadan karaan inay calaamadeystaan goobaha ay tahay in la weeraro, iyadoo la isticmaalayo ciidamada dhulka iyo diyaaradaha dagaalka ee caadiga ah.

Wasaaradda difaaca ee Mareykanka ayaa intaa ku dartey in kaalmadan ay sare u qaadi karto awoodda ciidamada qaranka ee Kenya.

Sarkaal u hadley ciidamada Kenya ayaa soo dhoweeyey talaabadan , kuna tilmaamey mid wax ku ool ah.