Ciidanka Syria oo dib u riixaya mucaaradka

ciidamada dowladda Syria Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption ciidamada dowladda Syria

Ciidamada dowladda Suuriya ayaa si adag dib ugu dagaallamaya si ay u soo ceshadaan qaybo ka mid ah caasimadda Dimishiq iyo magaalada labaad ee Xalab, ee dhinaca woqooyiga, halkaas oo dagaalyahanno mucaaradku ay soo galeen.

Dadka dhaqdhaqaaqa wada waxay ku warrameen in ciidammo isticmaalaya taangiyo iyo hub culus ay weerar ku qaadeen saddex degmo oo Dimishiq ka tirsan, iyadoo muuqaallo noocaas oo kale ah laga soo sheegayo magaalada Xalab.

Dad badan ayaa dagaallada ka cararay, qaar kalana way ku go'doonsan yihiin.

Ciidamada dowladda waxay dib u qabsadeen xaafad aad ugu dhow bartamaha caasimadda iyo qayb ku taala waqooyiga bari, waxayna haatan diiradda saarayaan degaanka Mezze ee galbeedka ku yaala, iyo Barzeh oo ku taala waqooyiga.

Televishanka qaranka ee Syria ayaa beeniyey warar sheegaya in ciidanka dowladda ay adeegsadeen diyaaradaha dagaalka ee helicopterada. Laakiin sawirada TV-ga waxay muujinayeen burbur balaaran oo mucaaradku sheegayaan waxaa u sabab ah hubka culus ee isugu jira taankiyada iyo artileriga.

Madaxweyne Bashar Al Assad ayaa isna televishanka ka soo muuqdey, mar uu la kulmey taliyihiisa ciidamada, isagoo u rajeynayaa inuu ka guul gaaro hawsha loo dhiibey.