Maanta 91 ruux ayaa lagu dilay Ciraaq

Qarax ka dhacay magaalada Kirkuk Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qarax ka dhacay magaalada Kirkuk

Dad xag jir ah ayaa weerarro ku qaaday goobo badan oo Ciraaq ka tirsan.

Qaar badani waxay bar tilmaansadeen ciidammada ammaanka.

Waxay dileen ugu yaraan 89 ruux.

In ka badan 200 ayaa dhaawac ah.

Waa mid ka mid ah maalmaha ugu dhimashada badan Ciraaq tan iyo markii ciidammada Mareykanku ay ka baxeen.

Isbaarooyinka booliiska waxaa lagu weeraray baabuur isqarxin ah.

Xeryaha militerigana waxaa lagu garaacay mortar.

Hal weerar oo ka dhacay gobolka Salahadin waxaa goob keliya lagu dilay 15 askari.

Sidoo kale gudaha iyo hareeraha Baqdaad waxaa ka dhacay weerarro baabuur waxyaabaha qarxa lagu soo rakibay.

Shaqaalaha caafimaadku waxay sheegeen in dhowr qarax ay ka dheceen magaalada Taji, iyo magaalada saliidda laga soo saaro ee Kirkuk oo ku taalla woqooyiga..

Axaddii weerarro ka dhacay Ciraaq waxaa ku dhintay ugu yaraan 17 ruux.

Lahaanshaha sawirka
Image caption Meelaha weeraradu ay ka dhaceen