Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi: Tababar la siinayo beeraleyda Somaliland

Wasaaradda beeraha ee Somaliland oo kaashaneysa hay'adda Qaramada Midoobay ee Cuntada iyo Beeraha FAO ayaa beryahan waxay waday tababaro siinayso beeralleyda ku tiirsan biyaha roobka ee gobollada Somaliland.

Muddo haatan bil laga jooga ayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ugu baaqay hay'adaha caalamiga ah inay gurmad la garaan qoysas uu sheegay in jiidaha ay deganyihiin ay abaar kululi ku dhufatay.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa ka wareystay tababaradaasi wasiirka wasaaradda beeraha ee Somaliland Faarax Cilmi Geedoole.