Shirka destuurka oo ka furmaya Muqdisho

Cabdiweli Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Raisal Wasaaraha Somalia ayaa sheegey in kumeel gaarka la soo gaba-gabeyn doono xilliga loogu tala galey

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka magaalada caasimadda ee Muqdisho, saacada ka hor shirka lagu ansixinaayo destuurka.

Waxaa la filayaa in xubnaha ergooyinka ay yeeshaan kulanka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee lagu wado iany Soomaaliya yeelato.

In ka badan 50 isgoysyada caasimadda Muqdisho ayaa la dhigay ciidamo booliis ah.

Taliyaha booliiska Gobolka Banaadir, General Axmed Xasan Maalin, oo u warramay BBC ayaa sheegey in aanay dareemin wax cabsi oo amaan xumo ah, balse ay qaadeen talaabadani amaanka lagu sugayo shirkaasi dartiis.

Xubnaha ka kooban 825 ayaa la filayaa in sagaal maalmood gudahood ay ku ansixiyaan destuurka.

Madaxda Somalia waxay haystaan muddo ka yar bil si ay u soo gaba-gabeeyaan howlaha loo baahanyahay si loo soo afjaro xilliga kumeel gaarka.

Waxaa dhiman in la soo doorto baarlamaan dooranayo madaxweynaha uu dalkaasi yeelanayo wixii ka dambeeya 20 August oo ah xilliga uu dhamanayo kumeel gaarka.

Raisal Wasaaraha Somalia Cabdiweli Maxamad Cali ayaa sheegey in xubnaha baarlamaanka la soo xuli doono maalmaha soo socda.