Shirka ansixinta dastuurka oo furmay

Image caption Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgalay furitaanka shirka

Boqolaal ergooyinka odoyaasha Soomaaliya ayaa kulan uu uga bilowday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho si ay u ansixiyaan dastuurka cusub ee dalka Soomaaliya yeelan doono.

Waxaa garab socda tallaabadaasi, dukheyda Soomaalida oo isla mar ahaantaa soo xulaya 275 xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasi oo iyaguna dooran doona Madaxweyne cusub.

Labada qorshe ayaa la filayaa in lagu soo gabagabeeyo muddo sagaal maalmood ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa waxa uu ku tilmaamay inay tahay tallaabo muhiim ah.

Dastuurka cusub ayaa waxa uu ku saleysan yahay nidaamka federalka ah, waxaana uu xaq u siinayaa haweenka Soomaaliyeed inay qeyb 30% ku yeeshaan baarlamaanka.

Soomaaliya dowlad dhexe oo adag ma aanay lahayn tan iyo 1991 markii la riday dowladdii militeriga, qeybo badan oo ka mid ah dalkana waxaa hadda gacanta ku haya kooxda Islaamiga ah ee alShabaab, taasina waxa aanay suurtagal ka dhigeyn in dooraashooyin guud dalka oo dhan laga qabto.