Koonfurta Sudan oo so bandhigtey hindise

Bashir iyo Salva Kiir Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Labada madaxweyne ee Sudan iyo Koonfurta Sudan ayaa dhawaan ku shirey caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa

Dowladda cusub ee Koonfurta Sudan ayaa soo bandhigety hindisa cusub oo ay sheegeysa in lacag dhan 3bn oo dollar ay siineysa Sudan si ay ugu soo kabsato khasaaraha dhaqaale ee soo gaarey kadib markii Juba ay xor noqotey.

Juba waxaa kale oo ay soo bandhigtey in Khartoum ay ka cafineysa lacag dhan 5bn oo dollar oo ay sheegtey inay ku leedahay Sudan. Juba ayaa sheegeysa in lacagtaasi ay ka dhalatey shidaal ay ku eedeyneyso in Khartoum ay dhinac marsatey.

Sudan waxay ku gacan seyrtey in wax lacag ah ay ku leedahay Juba.

Wadahadalo ayaa labada dal ugu socda dalka Ethiopia si loo soo afjaro ismari waaga ka dhashey lacagta ay koonfurta bixineysa si shidaalkeeda looga dhoofiyo dekadda Sudan.

Juba sidoo kale waxay sheegtey in lacag ka badan tii ay mrkii hore soo bandhigtey ay bixineysa si ay u adeegsato dekada Port Sudan.

Dowladda Sudan ayaan weli jawaab ka bixin bandhigaasi Juba.

Ninka madaxa ka ah wafdiga wadahadalka ee Koonfurta Pagan Amum ayaa sheegey in Juba ay haatan gaartey halkii ugu dambeysey.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa u qabtey labada dal inay heshiis garaan halka lagu gaaro 2 August, hadii ay taasi dhici weydana waxaa uu goluhu sheegey in cuna-qabateyn lagu soo rogi doono.

Hindisa Koonfurta Sudan ayaa sheegaya in militariga laga qaado goobaha lagu muransanyahay ee xuduuda labada dal.