Ghana oo madaxweyne cusub yeelatey

Mahama Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweynaha cusub ee Ghana John Dramini Mahama ayaa loo dhaariyey in uu hogaamiyo dalkaas

Dalka Ghana waxaa lagu dhaariyey madaxweyne cusub saacada kadib markii uu geeriyoodey madaxwenihii dalkaasi.

Madaxweyne ku xigeenkii dalka John Dramini Mahama ayaa loo dhaariyey in uu noqda madaxweynaha cusub ee dalka kadib geeridii John Atta-Mills, oo madaxweyne ka ahaa Ghana tan iyo January 2009.

Khudbadiisii caleyma saarka ayaa Mahama waxaa uu sheegey in Atta-Mills uu ahaa nin degan oo ku dayasho mudan.

Tani waxay astaan u tahey biseylka dimuqraadiyada dalka Ghana oo iyada oo ay dhicin wax is qab-qabsi dhanka awooda ah la dhaariyey madaxweyne ku xigeenkii.

Atta-Mills ayaa da’adiisu ahayd 68 sano jir. Waxaana la sheegey in uu cudurka cancer-ka ugu dhacey cunaha oo uu u geriyoodey.

Xafiiska madaxtooyada ayaa geerida ku tilmaamey mid naxdin leh oo lama filaan ahayd.