Syria: Dagaalka Aleppo oo socda

Mucaaradka Syria Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mucaaradka Syria

Iska hor imaadyo ayaa wali sii socdo Syria magaalada Aleppo, iyadoo ciidamada dowladda ay tagayaan magaalada si ay uga saaraan mucaaradka Aleppo. Mucaaradka ayaa sidoo kale iyagana u diraya ciidamo Aleppo.

Mucaaradka ayaa sheegay kumanyaal ciidamada dowladda oo taangiyo wato inay u soo socdaan Aleppo oo ay ka imaanayaan Idlib.

Turkey ayaa ku dhawaaqday inay xayiraad ku soo rogtay xudduuda ay la leedahay Syria. Qaxootiga reer Syria ayaa loo ogolaan doonaa inay soo gudbaan, laakin dadka Turkiga ayaan loo ogolayn inay ka gudbaan xudduuda.

Xayiraad ayaa sidoo kale lagu soo rogay baabuurta alaabada qaada taasoo macnaheedu yahay cunaqabatayn dhaqaale ee lagu soo rogay Syria.