Olympic 2012 oo si rasmi ah loo furay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Luulyo, 2012, 08:35 GMT 11:35 SGA
Olympic stadium

Ciyaaraha Olympics 2012 ayaa xalay si rasmi ah looga furay magaalada London, waxana furtay boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth.

Munaasabaddaasi furitaanka, damaashaad si weyn loo soo abaabulay oo dhoollatus ah ayaa ka dhacay garoonka weyn ee loogu talo galay ciyaaraha Olympics 2012 oo ku yaal xaafadda bariga ee magaaladan London.

Holaca amma tooshka Olympic-ada ayaa la soo geliyey garoonka, ka dibna waxa wadajir u shiday ilaa toddoba dhalinyaro British ah oo Mustaqbal ku leh cayaaaraha.

Si qurux badan ayaa markaas waxaa u shidmay wareeg ka kooban in ka badan 200 xabbo oo ah weel ka samaysan maar. Markaas kadib ayay sare u qaadeen biro dhaadheer, muuqaalkaasi oo sameeyey sawir u eg dheri karaya oo kale, taasoo u taagan astaan midnimo.

Xafladda furitaanka ayaa waxaa ay ahayd mid isugu jirta la yaab, firfircooni iyo mararka qaar xuska taariikhda iyo dhaqanka Britain.

Guud ahaan maanta oo Sabti ah waxa la qabanayaa ilaa 19 tartan xagga ciyaaraha kala geddisan, lana filayo in lagu kala helo billado dahab ah, kuwaasi oo ay ka mid yihiin dabbaasha, qaadista miisaanka culus, iyo legdanka loo yaqaan jiidooga. Caawana ciyaaraha waxa ka mid noqon doona tartanka orodka fagaxda ah ee 400M.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.