Dagaalka Syria oo sii xoogeysanaya

Magaalada Aleppo Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Magaalada Aleppo

Ciidamada dowladda Syria ayaa u muuqda inaysan horumar weyn ka gaarin dagaalka ay ugu jiraan dib u hanashada magaalada ugu weyn dalka ee Xalab. Mucaaradka ayaa sheegey in duqeynta xooggan ee ciidamada dowladda ay weli socoto, balse ciidamada dhulka la iska caabiyey.

In ka badan 30 qof ayaa lagu soo waramayaa in la diley maalintii Sabtida, iyadoo in ka badan 100 lagu diley qeybo kale oo dalka ka tirsan.

Isku day ciidamada dowladda ku doonayeen inay ku qabsadaan degmada Salaaxudiin ee koonfuurta galbeed ee magaalada ku taala ayaan mira dhalin.

Televishanka dowladda waxaa uu sheegey in khasaare balaaran loo geystey waxaa uu ugu yeerey argagixisada hubeysan.

Magaalada Xalab waxay muhiim u tahay dowladda Syria, si ay uga badbaado kacdoonka hubeysan ee looga soo horjeedo, halka mucaaradkana ay magaalada u arkaan mid istaraatiiji ah oo ay ka hoggaamin karaan dagaalka ay doonayaan inay ku ridaan xukuumadda Madaxweyne Bashar Al Assad.