UN oo soo dhaweysey ansixinta destuurka

Mahiga Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaramada Midoobey ayaa soo dhaweysey destuurka cusub

Ergeyga Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Augustine Mahiga ayaa soo dhaweeyey ansixinta destuurka cusub ee ay Somalia yeelatey.

Mahiga ayaa arrintani ku tilmaamey mid taariikhi ah, waxaana uu u hambalyeeyey ergada destuurka ansixisey, oo uu sheegey in aanay niya-jebin qaraxyadii ka dhacey albaabka halka uu shirka ka socdey.

Mahiga ayaa horey ugu baaqey in xildhibaanada lagu soo xulo si ay ku jirto mas'uliyad.

Waxaa uu sheegey in ay jiraan siyaasiyiin xil doon ah oo doonaya in la soo xulo xilibaano ay wataan. Waxaa uu mas'uuliyiintaassi ku tilmaamay inay wadaan "cagajuglayn, musuq-maasuq iyo eexasho ama nin jeclaysi."

Mahiga waxaa uu yiri ma ogolaan doono in kuraasta baarlamaanka ay noqdaan badeeco la kala iibsanayo ama xaraash laga iibinayo cidii markaasi ugu lacag badnaato.

Mahiga aya ku baaqey in madaxdaasi ay joojin dhaqankaasi oo ay xushmadeeyaan xaqa ay dumarka u leeyihiin inay ka qayb qaataan hanaanka siyaasada soomaliya.