Caalin oo ku gacan-seyrey Qaybdiid

Caalin
Image caption Maxamad Axmed Caalin ayaa sheegey in doorashada Qeybdiid ay tahay mid sharci darro ah.

Barlamaanka maamulka Galmudug ee somalia ayaa sheegey in shalay fadhi uu ku yeeshay magalaada Gaalkacyo uu ku doortay madaxweyne cusub.

Baarlamaanka ayaa General Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid u doortey in uu noqod madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Queybdiid ayaa xukuumadihii KMG ee dalka ka soo qabtay jagooyin wasiir iyo Taliyihii hore ee Booliska Somalia.

Maamulka Galmudug waxaa harey uga jirey muran iyo is-maan-dhaaf siyaasadeed oo sababtey in la kala diro barlamaankii hore oo mid cusub la dhisay, kaas oo shaley sheegey in uu doortay Cabdi Qaybdiid oo xilkaas haynaya 3 sano.

Maxamed Axmed Caalin ayaa sheegey in doorashada madaxweynaha cusub iyo guddiyadii la sheegay in ay doorashada qaban qaabiyeen at tahey mid "sharci-darro iyo wax kama jiraan ah".