Koffi Annan oo iscasilaya

Dagaalka Syria Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Syria iyo mucaaradka

Wakiilka caalamiga ee Syria Kofi Annan, ayaa iska casililaya in uu Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabta ugu qaabilsanaado arrimaha Syria.

Hadal uu ka jeediyay magaalada Geneva, waxa uu ku tilmaamay in xaaladda Syria oo isu baddalaysa mid milatari iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay wiiqeen howshii uu waday.

Waxaa uu sheegay in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay faraha isku taagtaagayaan.