Waa sidee xaalada Meles Zenawi?

Zenawi
Image caption Dowladda Ethiopia ayaa sheegtey in xaalada cafimaad ee Zenawi ay ka soo reyneyso

Afhayeen u hadley dowladda Ethiopia ayaa sheegey in xaaladda caafimaad ee Raisal Wasare Meles Zenawi ay ka soo reyneyso.

Hasa ahaatee, Bereket Simon, oo ah Wasiirka Warfaafinta, waxaa uu diidey in uu sheego halka uu ku suganyahay Zenawi.

Goor sii horreysey ayaa Berekat laga soo xigtey isagoo leh, Zenawi “waxaa uu ku maqanyahay fasax.”

Wararkani la xiriira caafimaadka Zenawi ayaa billowdey kadib markii Raisal Wasaaraha laga waayey shirkii Midowga Afrika ee bishii tagtey lagu qabtey magaalada Addis Ababa.

Waxaa jirey warar sheegayey in Zenawi lagu daweynayo cisbitaal ku yaalla dalka Belgium.

Zenawi ayaa talada dalkaasi la wareegey sanadkii 1991 xilligaasi oo ciidamada fallaagada ee uu hogaaminayey ay xukunka ka tuureen dowladii Mengistu Haile Mariam.

Xilligaasi kadib dhowr jeer ayuu doorasho ku guuleystey, lakin mucaaradka waxay ku eedeynayaan in uu dadka caburinayo si uu xukunka ugu dheganaado.