Raisal Wasaaraha Suriya oo baxsadey

Mucaaradka Suriya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dagaalo culus ayaa dhex-maraayo mucaaradka iyo ciidamada dowladda.

Dowlada Urdun ayaa sheegtey in Raisal Wasaaraha Suriya iyo qoyskiisa ay ka soo baxsadeen dowladda Madaxweyne Bashar Al-Assad oo ay soo gaareen magaalada Ammaan.

Wararka ayaa sheegaya in labo wasiir oo ka tirsan dowladda Suriya ay la socdeen Raisal Wasaare Riyadh Xijaab.

Wakaaladda Wararka ee Suriya ee Sana ayaa goor sii horreysey sheegtey in Raisal Wasaaraha laga qaadey jagadii uu ka haayey dalkaasi.

Madaxa Ururka u dooda xuquuqul-insaanka ee Suriya Rami Cabdiraxman ayaa xaqiijiyey in Xijaab uu baxsadey.

Raisal Wasaaraha ayaa ka soo jeeda magaalada Deyr al-Zur oo ay ka socdeen iska horimaadyo hubeysan oo u dhaxeeya mucaaradka iyo ciidamada dowladda.

Madaxweynaha dalka Suriya Bashar Al-Assad ayaa bishii June u magacaabey Xijaab in uu soo dhiso gole wasiirro.

Dagaalo culus ayaa ka socda magaalada Caasimadda ee Dimishiq iyo magaalo madaxda labaad ee Xalab. Ciidamada dowladda ayaa isku dayaayo in mucaaradka hobeysan ay ka saaraan magaalooyinkaasi.