Weerar lagu qaadey Xudur

Sharif iyo Clinto
Image caption Sheekh Sharif ayaa Nairobi kula kulmey Xoghaya Arrimaha Dibedda ee Maraykanka

Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal culus oo halkaas ka dhacay ay ku dhinteen ugu yaraan toban ruux.

Warar is khilaafsan ayaa hadda ka soo baxaya cidda gacanta ku haysa magaalada.

Isgaarsiinta ayaa la sheegayaa in ay ka go'antahay magaalada.

Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee halkaas ku sugan.

Dagalkani ayaa ku soo beegmay iyadoo la sheegey in uu jjro khilaaf soo kala dhex-galey madaxda Soomaaliya ee horey u saxiixey heshiiska Roadmap-ka ee loogu baxayo KMG.

Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa la sheegey in maalintii shaley uu ka baxey shir magaalada Nairobi ugu socdey saxiixayaasha Tubta Nabadda.

Madaxda Soomalida ayaa isla Nairobi kula kulmey Xoghaya Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Hillary Clinton, waxayna kala hadleen dadaallada la doonayo in lagu soo afjaro xilliga Kumeel gaarka.