Iran: Waa garab taaganahay Suriya

Suriya iyo Iran Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweyne Bashar Al-Assad ayaa kulan la qaatey mas'uul sare oo ka tirsan dowladda Iran Saciid Jaliil.

Madaxweynaha Suriya Bashar Assad ayaa TV-ga laga arkay markii ugu horreysay muddo laba toddobaad ka badan isagoo qaabilaya sarkaal sare oo ka socday hogaamiyaha diinta ee Iran.

Xoghayaha golaha sare ee amniiga qaranka Iran Saciid Jaliil ayaa wada hadalo kula yeeshay Dimishiq Madaxweyne Al-Assad oo uu u gudbiyey "taageerada hagar la'aaneed" ee Iran.

Dowladda Maraykanka ayaa dhiira-gelinayso in deg deg loo dar-dar geliyo qorshe caalami ah oo horseeda in dowladda Al-Asad ay xukunka ka degto.

Suriya waxaa haatan ka jiro walaac cusub oo laga muujiyey xaaladda dadka rayidka ee magalada Xalab ee ay ku dagaalamayaan ciidamada dawladda iyo xoogaga fallagada.

Hay'adda u doodda Xuquu-qul Insaanka ee Amnesty international ayaa sheegtay in sawiro cusub oo laga helay Dayax Gacmeed-ka ay muujinayaan godad waaweyn oo ka dhashay duqeynta hubka cul-culus ee loo adeegsaday meel aan ka fogeyn goobaha dadka rayidku ay deganyihiin.