Saraakiil xilka laga qaadey Masar

Militariga Masar Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidanka Masar ayaa weerar ku qaadey dabley hubeysan gobolka Sinai

Madaxweynaha Masar Maxamad Morsi ayaa talada ka qaadeey mas'uuliyiin sar-sare oo dhanka amaanka.

Waxaa xilalkii laga qaaday madaxii sirdoonka, guddoomiyihii gobolka Sinai iyo taliyihii ilaalada madaxtooyada.

Morsi ayaa isbedello kale ku sameeyey qaybo ka mid ah madaxdii ciidamada militariga ee dalkaasi.

Magaalada Qaahira waxaa loo magacaabey taliyayaal cusub oo dhanka amaanka.

Isbedeldani waxay ka dambeeyeen dilkii maalinta Axada loo geystey 16 ka mid ah askarta ilaalada xadka Masar oo dabley hubeysan ay ku dileen gobolka Sinai oo xad la leh israel iyo Marinka Gaza.

Saacada ka hor go'aanka madaxweynaha, ciidanka Masar ayaa weerar ku qaadey dabley hubeysan oo ku sugan gobolkaasi, waxayna sheegeen inay halkaasi ku dileen 20 ruux.