Golaha Libya oo xukunkii wareejiyey

Libya Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Madaxa Golaha KMG Libya Mustafa Cabdiljalil ayaa taladii ku wareejiyey ninka ugu da'da weyn baarlamaanka cusub.

Goliha Qaranka ee KMG ee Libya ayaa awoodii ku wareejiyey barlamaanka cusub ee la doortay.

Arrintani ayaa ka dhacdey xaflad ballaaran oo xalay saqdii dhexe lagu qabtey caasimadda Tripoli.

Waxaana halkaa ku dhamaadey xiligii kala-guurka, in kasta oo ay weli dalkaasi ka jiraan iska-horimaadyo hubeysan oo u dhexeeyo milishiyaad qabiil oo weli awood ballaaran ku leh dalkaasi.

Golaha KMG ee haatan xilligiisu dhamaadey ayaa la dhisey bilihii ugu dambeeyey ee xukunkii hogaamiyihii hore ee dalkaasi Libya Mucammar Al-Qadafi.

Madaxa Golahii KMG Mustafa Cabdiljalil ayaa sheegey in goluhu ku fashilmey xasilinta dalka.

Cabdiljalil waxaa uu awooda ku wareejiyey Maxamad Cali Salim, oo ah ninka ugu da’da weyn baarlamaanka, waxaana la filayaa in maanta uu baarlamaanka doorto Guddoomiye.

Tirada ugu badan ee mudanayaasha baarlamaanka ayaa ka soo jeeda xisbiga wadaniga ee uu hogaaminaayo Raisal Wasaarihii hore ee dalkaasi Maxamuud Jibril.