MO Farax oo mar kale guuleystey

MO Farax Lahaanshaha sawirka PA
Image caption MO Farax ayaa mar kale ku guuleystey billada dahabka.

MO Faarax ayaa gaarey guushii labaad ee Olympics-ka London kadib markii uu ku guuleystey orodka 5,000 ee mitir.

Waa billadii labaad oo dahab ah ee uu helo MO Faarax iyadoo uu horey ugu guuleystay orodka 10,000 ee mitir.

MO Faarax ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay guushani, “Waan daalanaa markaan ka qeyb-galayey orodka, kolkii aan arkay inaan ugu horreeyo, waxaan ogaaday in guushaydu ay hubaal tahay,” ayuu yiri.

Faysal, oo ay walaalo yihiin MO Faarax, ayaa orodka walaalkii ka daawanayey Telefishinka magaalada Wajaale ee xadkaEthiopia. Waxaa uu sheegey in uu ku faraxsan yahay guusha walaalkii uu gaaray.

Faysal waxaa uu sheegey in uu ka soo safrey meel ilaa lix kiilomitir u jirta degmada Wajaale si uu Telefishonka uga daawado orordka walaalkii.

MO Faarax ama Maxamad Farax, waxaa uu ka soo tagay Soomaaliya isagoo da’ yar, waxaa uuna u ordaa dalka Britain.

Soomaali badan oo ku nool Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay guusha MO Faarax.