Weriye kale oo lagu dilay Muqdisho

Ilaa shalay waxaa magaalada Muqdisho siyaabo kala duwan loogu dilay laba suxufi oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya, Yuusuf Cali Cismaan, Yuusuf Fareey iyo Maxamed Cali Buneyste oo ka mid ahaa weriyayaasha ka howlgala idaacadaha madaxa banaan ee Muqdisho.

Waxaa dilkan uu ku soo beegmayaa 12 maalmood ka hor markii Muqdisho lagu dilay Cabdi Jeylaani Malaaq (marshaale) oo ka mid ahaa howlwadeenada warfaafinta.

Qaramada Midoobay iyo qaar ka mid ah ururada suxufiyiinta ayaa dilalkaas cambaareeyay.