Lix Soomaali ah oo la xiray

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 15 Agoosto, 2012, 13:48 GMT 16:48 SGA

Burcad badeed Soomaali ah

Ciidamada NATO ee la dagaallama burcad-badeedda ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan inay qabteen lix qof oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay inay yihiin burcad badeed.

Kooxdan Soomaalida ah ayaa la sheegay inay afduubeen dooni u socotay magaalada Boosaaso.

Abdirisaaq Maxamed Dirir oo ah madax hey'adda la dagaallanta burcad-badeedda Puntland ayaa sheegay in xiriir ay la sameeyeen ciidamada ajanbiga, oo ay u sheegeen inay ay saaran yihiin mid ka mid ah maraakiibta NATO.

Weerarada burcad-badeedda Soomaaliya ayaa hoos u dhac uu ku yimid bishii hore ee August.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.