Burcad-badeed lagu xukumay Mareykan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 14 Agoosto, 2012, 13:41 GMT 16:41 SGA

Maxamed Shibin waxaa lagu xukumay xabsi daa'in 12 jeer

Xaakim maxkamad ku taal waddanka Mareykanka ayaa 12 jeer xabsi daa'in ku xukumay nin Soomaali ah doorkii uu ku lahaa afduubka doon Mareykanku lahaa iyo markab ganacsi oo laga lahaa Jarmalka.

Mohammad Saali Shibin ayaa waxa danbi burcad-badeednimo, afduub iyo inuu dad heystay lagu helay bishii April.

Waxa uu ahaa ninkii wada hadalka u qaabilsanaa burcad-badeedda intii ay heysteen markabka.

Afar qof oo Mareykan ah ayaa ku dhintay oo lagu dilay doonta.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa masuuliyiinta Mareykanku u aqoonsan yihiin inuu yahay burcad-badeedkii ugu khatarsanaa ee abid la xiro.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.