Khilaafka Britain iyo Ecuador ee Assange

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 Agoosto, 2012, 10:44 GMT 13:44 SGA
Julian Assange

Julian Assange

Waxaa jirta xiisad kacsan oo ku saabsan ninka aasaasay bogga internet-ka ee Wikileaks, Julian Assange, saacado kahor xilli la dhowrayo in dowladda Ecuador ay magangelyo siiso iyo in kale.

Britain ayaa sheegtay inay awood siineyso ciidanka booliiska ay ku galaan safaaradda ay Ecuador ku leedahay magaalada London si loo xiro Mr Assange, oo jooga halkaasi iskana ilaalinaya in loo dhiibo mas'uuliyiinta dalka Sweden.

Ecuador waxay ku gacan-sayrtay arrintan, oo ay sheegtay in awood la isticmaalo ay ka soo horjeeddo oo ay ceeb ku tahay heshiisyada caalamiga ee diblomaasiyadda.

Britain waxay sheegtay in aanay u oggolaan doonin Mr Assange inuu si nabad ah uga baxo safaaradda haddii magangelyo la siiyo.

Mr Assange waxaa laga doonayaa dalka Sweden oo su'aallo laga weydiinayo xadgudubyo la xiriira gogol dhaaf.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.