Meles Zenawi oo geeriyooday

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 21 Agoosto, 2012, 08:23 GMT 11:23 SGA

Meles Zenawi waxa uu awoodda Ethiopia qabsadaya 1991.

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan barnaamijyadii Meles, kadib markii Raiisul Wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi uu geeriyooday isaga oo ay da'diisu tahay 57 sano.

Afhayeen u hadlay dowladda Ethiopia(Bereket Simon)ayaa sheegay in uu xanuunsanaa muddo bil ah.

Waxaa lagu soo warramay in laga daaweynayay caloosh isbitaal ku yaalla Belgium.

Mr Simon waxa uu sheegay in aanay jiri doonin wax doorasho ah oo xilkii Meles uu sii hayn doono ku xigeenkiisa Hailemariam Desalegn ilaa laga gaaro 2015.

Mr Meles waxa uu awoodda dalka qabsaday sanadkii 1991.

Waxa uu isku dayay in uu wax ka beddelo dhaqaalaha Ethiopia, isla markaana uu dimuqraadiyad ka dhigo, laakiin waxa aad loogu cambaareyn jiray xuquuqda aadanaha.

Waxa uu dalka geliyay dagaal ay la galeen waddanka Eritrea 1998, isagoo Soomaaliyana ciidamo u diray sanadkii 2006.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.