Meles oo meydkiisa la geeyay Addis Ababa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 22 Agoosto, 2012, 08:50 GMT 11:50 SGA

Meydka Meles oo la geeyay magaalada Addis Ababa

Meydkii Raiisul wasaarihii Ethiopia,Meles Zenawi, ayaa la dhigay qasriga qaranka ee magaalada Addis Ababa.

Meydkiisa ayaa waxa la geeyay dalka Ethiopia, iyada oo laga qaaday magaalada Brussels, halkaasi oo uu ku dhintay kaddib markii uu muddo dheer xanuunsanaa.

Dad fara badan oo sida shumacyo ayaa socod ku maray jidadka bartamaha magaalada.

Weli lama sheegin xilliga ay dhici doonto munaasabadda aaskiisa.

Dowladda Ethiopia waxa ay sheegtay in ay sii wadi doonto siyaasadihii Mr Meles.

Waxaa xilkiisi qabanaya ku xigeenkiisi, Hailemariam Desalegn, oo sii heyn doona ilaa laga gaaro doorashooyinka qorsheysan sanadka 2015.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.