KA oo aaseysa macdan-qodayaal la dilay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Agoosto, 2012, 07:39 GMT 10:39 SGA

Jacob Zuma oo la hadlaya qaar ka mid ah macdan qodayaasha Koonfur Afrika

Dalka Koonfur Afrika waxa ka dhacaya aaska 44 macdan qodayaal ah oo lagu dilay muran ka dhashay lacagaha la siiyo.

Inta badan dadka dhintay oo ahaa macdan-qodayaal ayaa waxa toddobaadkii hore toogasho ku dilay ciidanka booliiska, iyaga oo mudaharaadaya.

Munaasabadda aaska ayaa ka dhacaysa meel macdanta laga qodo oo ku taal magaalada Marikana oo dilku uu ka dhacat.

Waxaa jiray dood weyn oo ka taagneyd sida dadkaasi loo laayay.

Madaxweyne, Jacob Zuma ayaa waxa si diirran u soo dhaweeyay macdan qodayaasha mudaharaadayay.

Dalka Koonfur Afrika waxa uu soo saaraa saddex meelood macdanta platinum ee adduunka oo dhan, waxaana kor u kacay qiimaha birta iyadoo laga walaacsanaa in la heli waayo.

Arrintan ayaa waxa ay sii ballaarisay kala foggaanta u dhexeysay dadka saboolka ah iyo dadka dhaqaalaha heysta ee dalka Koonfur Afrika, taasi oo weriyayaashu ay sheegayaan in ay sii wiiqeyso taageerada xisbiga talada haya ee ANC.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.