Doorashada Guddoomiyaha oo socota

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Agoosto, 2012, 11:37 GMT 14:37 SGA

War deg deg ah oo hadda soo dhacay

Doorashada Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay ka socotaa magaalada Muqdisho.

Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa dhamaatay goor dhaweyd.

Waxaa codeeyay 236 oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxaa codadkoodu halaabeen laba.

Codadka la kala helay wareegga koowaad waxa ay kala yihiin:

119 Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari,

77 Cali Khaliif Galeydh,

23 Cabdi Xaashi Cabdullaahi,

10 Cabdirashiid Maxamed Xiddig iyo

5 Xasan Abshir Faarax.

Waxaa hadda la galay wakhti dhextaal ah oo mudanayaashu ku soo qadeeyaan, kadibna waxaa bilaabanaya wareegga labaad oo loo gudbayaa, waxaana isugu soo haray Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyo Cali Khaliif Galeydh.

Doorashada ayaa guud ahaan waxaa u tartamayay shan xubnood oo kala ah.

Cabdi Xaashi Cabdulllaahi
Cali Khaliif Galeydh
Cabdirashiid Maxamed Xiddig
Maxamed Cismaan Jawaari iyo
Xasan Abshir Faarax

Waa markii ugu horreysay ee muddo ka badan labaatan sano lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kala soco halkan wararka ugu dambeeya ee doorashada.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.