Rabshado lagu dhintay oo ka dhacay Mombasa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 Agoosto, 2012, 18:58 GMT 21:58 SGA

Aboud Rogo Maxamed waxaa uu ku jiray liiska Qaramada Midoobay ee dadka lagu eedeeyo inay taageeraan Shabaab

Rabshado ayaa ka dhacay magaalada Mombasa ee waddanka Kenya, kadib markii toogasho lagu dilay wadaad lagu eedeeyay inuu taageerayay kooxda Islaamiga ee mintidka ah ee al-Shabaab.

Booliiska ayaa sheegay wadaadka oo la yiraahdo Aboud Rogo Maxamed, iyo xaaskiisa ay baabuur ku dhex watee magaalada, markii baabuur niman dabley saaran uu ku soo baxay oo rasaas ay ku fureen

Rabshadihii ka danbeeyay ayaa qof lagu dilay, dhawr kalena lagu dhaawacay, dukaamadii ayaa la xiray, kaniisad ayaa la bililiqeystay, iyadoo gaadiidkii dadweynahan la joojiyay taasi oo dadkii dhibaato ku noqotay.

Mr Rogo ayaa waxa uu ku jiray liiska Qaramada Midoobay ee dadka lagu eedeeyo inay dhaqaale ahaa taageeraan kooxda mayalka adag ee la dagaallanta dowladda Soomaaliya ee al-Shabaab.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.