Rabshado ka socda Mombasa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Agoosto, 2012, 19:07 GMT 22:07 SGA

Rabshadaha magaalada Mombasa ayaa waxa ay ka dhasheen markii la dilay nin lagu eedeeyay inuu xiriir la lahaa alShabaab

Maalintii labaad ayaa magaalada mombassa ee gobolka xeebta ee dalka kenya waxa ka soconaya rabsho iyadoo boolsiku ay isku dayayaan in ay xoog ku joojiyaan rabshadaha.

Rabshadaha ayaa bilwaday shalay ka dib marki magalaada lagu toogtay wadaad caan ahaa oo la sheegay in uu taageeri jiray ururka alshabaab..

Dhalainyaro caraysan oo dhagaxaan tuuraya, burburinayana hantida kuna qeylinaya hal ku dhigyo ayaa la wareegay waddooyinka magaalada mombassa maalintii labaad maanta.

Waxay ka caraysanyihiin dilka wadaadka caanka ahaa ee Cabuud Rogo Mohammed oo isniintii lagu toogtay magaalada mombassa.

Sidoo kale wararka ayaa tilmaamaya in qarax lagu tuurayb goob ay ku sugnayeen booliska ka hortaga qalalaasaha

inta la ogyahay laba qof ayaa ku dhintay rabshadaha ka dhashay dilka wadaadka halka boolistana isku dayayaan in ay ka hortagaan rabshadaha .

Hoggaamiyaash diinta islaamka ayaa iska fogeynaya rabshadadaha waxayna ugu baaqayaan dhalinyarta in ay is dejiyaan .

Halka dhinaca kale hoggaamiyaasha diinta masiixiga ay doonayaan in loo sharaxo sababto loo gubay kaniisadaha.

Inkastoo boolisku ay sheegeen in ay wadaan baaritaanada la xiriira dilka wadaadka haddana waxa su'aalo la iska weydiinayaa sababta uu weerarka maalinnida dhacay aanan ilaa imika aan cidna loo soo qaban.

Wadaadka cabuud rogo mohammed waxa lagu eedeeyey in uu tababaro iyo dhaqaalo ku taageeri jiray kooxda shabaab. Waxa sidoo kale soo wajahay dacwado la xiriira argigixisnimo.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.