Qarax ka dhacay Syria

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Agoosto, 2012, 19:03 GMT 22:03 SGA

Qarax bam oo ka dhacay dalka Syria

Warbaahinta waddankaSuuriya ayaa sheegtay in 12 qof ay dhinteen qaar kale oo badanina dhaawacmeen markii bam baabuur la soo saarey lagu qarxiyey caasimadda Dimishaq.

Wararku waxa ay sheegayaan in argagixiso soo weerartey dad meyd aas loo wado barbar socdey.

Urur uu halgama xuquuqda aadamiga ee dalka Suuriya ayaa sheegey in dadka aaska tegey ay ahaayeen taageerayaal dowladda Madaxweyne Bashar al Assad oo ka soo qeyb gelayey aaska dad qarax Isniinta dhacey ku dhintey.

Weerarkaasi waxa uu ka dhacay Jaramana oo ku taal duleedka koonfur bari ee caasimadda Dimishaq.

Isla markaa dhaqdhaqaaqyada mucaaridka ayaa sheegaya in ciidamada dowladdu ay weeraro cusub ku soo qaadeen meelo badan oo dalka ah. Warar kale ayaa ka hadlaya duqeysyo culus qeybo ka tirsan caasimadda Dimishaq, xalab iyo gobolka waqooyi galbeed ee Idlib.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.