Jawaari oo loo doortay baarlamaanka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Agoosto, 2012, 14:15 GMT 17:15 SGA

Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya

Prof Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka ee afarta sano ee soo socota kadib markii sii hayaha xilka guddoomiyaha uu ku dhawaaqay in uu ku guulaystay.

Prof Jawaari ayaa xilka loogu dhawaaqay kadib markii Cali Khaliif Galayr uu sheegay in uu ka tanaasulay.

Wuxuu wareeggii hore helay Prof. Jawaari 119 cod, halka Cali Khaliif Galaydh uu ka helay 77 cod.

Codadka la kala helay wareegga koowaad waxa ay kala yihiin:

119 Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari,

77 Cali Khaliif Galeydh,

23 Cabdi Xaashi Cabdullaahi,

10 Cabdirashiid Maxamed Xiddig iyo

5 Xasan Abshir Faarax.

Waa markii ugu horreysay ee muddo ka badan labaatan sano lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.


BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.