Isaac oo ku dhufatay New Orleans

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 Agoosto, 2012, 16:55 GMT 19:55 SGA

Duufaanta Isaac ayaa ku dhufatay magaalada New Orleans ee ku taalla xeebta gacanka ee dalka Maraykanka.

Darbi wayn oo lagu difaacayay deegaanka Braithwaite ee magaaladaas ayaa lagu soo waramay in uu jabay oo uu daad uu ku soo fatayay dhismayaal isla markaana dadka deegaanka la daadgureeyay.

Balse weriye BBC u jooga magaalada ayaa sheegay in inta badan waxyaabaha biyo celis loogu talogalay ay sidoodiiyihiin.

Todoba sano ayaa laga joogaa maalintii magaaladaas ay ku burburtay duufaan kale oo tan ka xoog badan oo loo yaqaanay Katrina.

Guud ahaan gobolka Louisiana, nus million qof ayaa koronto la'aan ah. Saraakiisha ayaa ku dhiirigalinaya dadwaynaha aan wali magaalada ka bixin in ay guryahooda joogaan ilaa inta dabayluhu ka degayaan.

Duufaanta New Orleans

Duufaanta New Orleans

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.