Puntland oo taageertay doorashada

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 Agoosto, 2012, 11:34 GMT 14:34 SGA

Puntland

Maamulka Puntland ayaa soo saaray war murtiyeed uu ku taageerayo doorashada guddoomiyaha cusub ee Parlamanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusman Jawaari ee shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Dhinaca kalana waxaa maanta magaalada Garowe ka dhacay dibad-bax lagu taageerayo doorashada Jawaari kaas oo ay soo qabanqaabiyeen dadka kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool ee ku dhaqan magaalada Garowe.

Warka taageerada ah ee kasoo baxay maamulka Puntland waxaa lagu sheegay in dawladda Puntland ay soo dhowaynayso guusha Jawaari isla markaasna ay kalsooni ku qabto in guddoomiyaha cusubi uu dhammaystiri doono waxyaabaha ka dhiman xoojinta dhismaha jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qoraalka oo soo qaaday arrimaha ugu muhimsan ee maamulka Puntland ka filayo qabashada Prof. Jawaari wuxuu si gaara u tilmaamay hirgelinta iyo ku dhaqanka dastuurka federaalka, hirgelinta dhismaha aqalka sare ee dastuuriga ah ee Parlamanka federalka iyo dhiirrigelinta dhismaha dawladaha federalka ah ee dhiman.

Dhinaca kale waxaa maanta magaalada Garowe ka dhacay dibad-bax lagu taageerayo isla doorashada guddoomiyaha Parlamanka dawladda federalka Somaliya Prf. Jawaari kaas oo ay soo qabanqaabiyeen kana qaybgaleen dadka kasoo jeeda beelaha digli iyo mirif ee ku dhaqan magaalada Garowe.

Marka laga yimaado taageerada guddoomiye Jawaari dadkii ka qaybgalay dibad-baxan ayaa sidoo kale cambaareyn usoo jeediyay labada siyaasi ee Aadan Madoobe iyo Max’ed Ibraahim Xaabsade kuwaas oo dhowaan Madaxwaynaha Puntland iyo maamulkiisa ku eedeeyay inaysan si wanaagsan ula dhaqmin dadka kasoo jeeda beelahooda ee ku dhaqan Puntland.

Dadkii ka qaybgalay dibad-baxan ayaa ka warramay xaaladda ay ku nool yihiin iyagoo dhinaca kalana farriimo u diray siyaasiyiinta beelaha ay kasoo jeedaan oo ay ku tilmaameen kuwo hadallada kasoo yeeraya ku salaynaya danaha siyaasadeed ee ay leeyihiin oo keliya, sida ay tilmaamayaan dadkii ka qaybgalay dibad-baxan oo uu ka mid yahay Mustaffa Mataan.

Maaha magaalada Garowe oo keliya, dhammaan magaalooyinka kale ee Puntland ayaa guud ahaan si wayn looga soo dhoweeyay doorashada Prf Jawaari iyadoo dadwaynuhu ay si wayn ula socdeen intii ay socotay doorashada guddoomiyaha Parlamanka iyo ku xigeennadiisa.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.