Madaxweyne Siillaanyo oo xilkii ka qaaday Boobe

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 Agoosto, 2012, 13:11 GMT 16:11 SGA

Boobe Yuusuf Ducaale

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo ayaa maanta xilkii ka qaaday wasiirkii warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale.

war-saxaafeed uu ku saxiixan yahay Afhayeenka Madaxtooyadu Cabdillaahi Cukuse ayaa xil ka qaadista wasiirka warfaafinta lagu cadeeyay.

Sababta laguma sheegin hase-yeeshee waxaa Madaxweynuhu ku sheegay war-saxaafadeedka in xilalka qaranka dabcigooda ay tahay meerto in

kolba qofkii hanan kara loo dhiibo.

Beryahanba waxaa jiray khilaaf warbaahintu qoreysay oo u dhexeeyay Wasiirka warfaafinta iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha wasaaradda, taasoo

dorraad uu wasiirku xilkii ka qaaday agaasimihii T.V-ga qaranka iyo agaasimihii wargeysyada xukuumada .

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.