Muran ka taagan buug laga qoray Osama

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 31 Agoosto, 2012, 08:55 GMT 11:55 SGA

Buugga ayaa qoraagu magac been ah ku qoray si aan loo garan

Xubin hore oo ka tirsan ciidamada Komaandos ee Mareykanka ee dilay Osama Bin Laadin ayaa dowladda Mareykanku ugu hanjabtay inay tallaabo sharci ah kaga qaadi doonto buug cusub oo uu ka qoray hawlgalkii lagu dilay Osama.

Wasaaradda difaaca ayaa sheegtay in buugga oo la yiraahdo Ma ahayn maalin fudud (No Easy Day) uu ku xadgudbayo heshiiskii uu saxiixay askarigaasi ee ahaa in aanu gudbin wax ku saabsan hawlaha ciidamada militeriga.

Xarunta Wasaaradda Gaadhaandhiga Mareykanka, Pentagon waxa ay sheegtay in suuq-geynta buuggaasi uu xaaladda ka sii darayosa, isla markaana ay ka fikireyso sidii ay uga hortagi lahayd wax walba oo sharci ah oo lagu joojin karo.

Osama Bin Laadin ayaa geeriyooday markii ciidamo si gaar ah u tababaran oo loo yaqaan (seals) ay weerareen gurigii uu isku qarinayay oo ku yaal dalka Pakistan bishii May ee sanadkii hore.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.